DAAWO SAWIRADA: QARAXII SHALAY OO HAWADA KA SAARAY IDAACAD IYO TV KU...

DAAWO SAWIRADA: QARAXII SHALAY OO HAWADA KA SAARAY IDAACAD IYO TV KU YAALLA MUQDISHO.

161
0
SHARE

Waxaa joogsaday howlihii shaqo ee Idaacadda iyo Tv-ga Goobjoog ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu saameyn ku yeeshay qaraxii xooganaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Zoobe.

 

Maamulka Idaacada ayaa sheegay in qalabka Idaacadda iyo Telefishinka qaarkood uu soo gaaaray burbur sababay in shaqada ay hakad gasho.

 

Xarunta Idaacada iyo TV-ga goobjoog ayaa ku taalla meel aan wax badan ka fogeyn isgoyska Zoope oo shalay masiibadu ka dhacday.

 

Sidoo kale waxaa hawada ka maqan Idaacada Goolfm oo ka tirsan Goobjoog Media Group sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay maamulka Idaacada.

 

“Dhageystayaasha iyo daawadayaasha sharafta leh waxaan ka raaligelineynaa dib u dhaca yar ee galay howlaheena shaqo oo saacado gudahood lagu xallin doono” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maamulka Idaacada.

 

Qaraxii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay nawaaxiga Zoope ayaa dhimashada, dhaawaca iyo burburka ka sokow waxaa uu yeeshay saameyn wejiyo kala duwan leh.

 

Dhinaca kale mid ka mid ah weriyeyaasha laanta Soomaaliga ee Idaacada VOA oo magaciisa la yiraahdo C/qaadir OK ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Zoope, waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalada.

LEAVE A REPLY