DEG DEG SIR CUSUB IYO DAAHIR CALOW: MID KA MID AH SAFIIRADA...

DEG DEG SIR CUSUB IYO DAAHIR CALOW: MID KA MID AH SAFIIRADA DOWLADAHA CARABTA U JOOGA MUQDISHO KU DHAAWACMAY WEERARKII SHALAY.

196
0
SHARE

Dowlada wadanka Qadar ayaa shaacisay in qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho uu ku dhaawacmay arimo fuliyaheedii u qaabilsanaa Somalia.

 

Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibeda Qatar Axmed Saciid Al-Rumeyxi ayaa goor dhow shaaciyey in arrimo fuliyahooda Somalia uu dhaawac fudud ka soo gaaray burbur ka soo daatay dhismaha Safaarada oo ku taalla agagaarka Isgoyska Km4.

Axmed Saciid Al-Rumeyxi ayaa intaa ku daray in arrimaha fuliyahooda u qaabilsan Somalia iyo shaqaalaha Safaaradooda ay xaaladoodu fiican tahay.

 

Waxaa uu intaa ku daray iney xiriir la sameeyeen dowlada federaalka Somalia, kana dalbadeen in la xoojiyo amaanka diblomaasiyiinta Qatar ka jooga magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY