DHAGEYSO: MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO SHEEGAY QARIXII SOOBE IN AY DOWLADA SOOMAALIYA SOO...

DHAGEYSO: MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO SHEEGAY QARIXII SOOBE IN AY DOWLADA SOOMAALIYA SOO MALEEGTAY OO AY SIWEYN U QORSHEESAY.

397
0
SHARE

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay Qaraxii shalay oo 14-kii October aheyd, kaasi oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, laguna tilmaamay Musiibo Qaran.

 

Xaaf ayaa marka hore sheegay inuu aad uga murageysan yahay, ugana tiiraanyeysan yahay Qaraxii Zoobe, wxuuuna tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay Qaraxaasi, isaga oo dadkii dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay Gaari ka yimid Shabeellaha Hoose oo masaafo badan soo socday in uu ku Qarxo Isgoyska Zoobe, lagana hortagi waayay, taasina ay muujineyso habacsanaan ka jirta dhanka Hay’adaha ammaanka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO.

Wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo Saddexda maalmood ee Baroordiiqda, kuna dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), ka Galmudug ahaana ay ka qeyb qaadanayaan maalmaha Baroordiiqda.

 

Xaaf ayaa ugu dambeyn sheegay inaan loo baahneyn in siyaasadda la isku riix riixo, balse la doonayo in hal meel looga soo wada jeesto cadowga, oo uu sheegay in ay u soo jeesteen xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY