LATEST ARTICLES

DHAGEYSO: MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO SHEEGAY QARIXII SOOBE IN AY DOWLADA SOOMAALIYA SOO MALEEGTAY OO AY SIWEYN U QORSHEESAY.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay Qaraxii shalay oo 14-kii October aheyd, kaasi oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, laguna tilmaamay Musiibo Qaran.   Xaaf ayaa marka hore sheegay inuu aad uga murageysan yahay, ugana tiiraanyeysan yahay Qaraxii Zoobe, wxuuuna tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay Qaraxaasi, isaga oo dadkii dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad...

SIR LAHELAY: MAGACA NINKII KA DAMBEEYAY QARAXII SHALAY IYO QABIILKIISA.

Warar hoose oo uu helay webka waagaculus ayaa ku waramaya in ninka isku qarxiyay magaalada muqdisho  isgoyska Soobe ayaa heshay in lagu magacaai jiray Sidoow Ciise Ali kaasi oo ka soo jeeda beesha Niisaan ee Digil, waxaana ay isku cid yihiin Shiikh Mukhtaar Roobow Ali Abuu Mansuur oo dhawaan dowlada isku soo dhiibay. Ninkan ayaa kooxda alshabab waxa uu u...

DAAWO: MURUGO IYO NAXDIN MASIIBADII KA DHACDAY ISGOYSKA ZOOPE IYO GOOBJOOGE SHARAXAY.

Weerarkii  ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgooyska Zoobe ee bartamaha magaalada ayaa sababay dhimashada dad aad ubadan. Mid kamid ah dadka goobjoogayaasha u ahaa weerarkaas naxdinta leh ayaa si faah faahsan uga hadlay qaraxan iyo qaabkii uu udhacay. Liibaan Cumar sheekh  oo Sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxaa uu sheegay inuu indhihiisa ku arkay meydad badan oo dhulka yaala...

DHAGEYSO: WASIIR YUUSUF GARAAD OO KU DHAAWACMAY QARAXII SHALAY IYO SHIR QARSOODI AH OO BEESHIISA HABAR GIDIR LALAHAA ODAGAAL DHAAWACMAY.

Waxaa daqiiqad walba sii kordhaya khasaaraha lixaadka leh ee uu geestay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho kuwaas o qaarkood laga helayo goobtii uu qaraxa ka dhacay. Dadka dhaawacmay iyo kuwa geeriyooday ayaa waxa ay isugu jiraan Masuuliyiin iyo Shacab intaba. Dadka dhaawacmay sida la sheegay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, kaas...

Deg deg: Meydad iyo dad nool ooh or leh oo hada laga soo saaray goobtii qaraxii shalay ka dhacay.

Ugu yaraan afartan ruux oo u badnaa meydadka dad geeriyooday ayaa laga soo saaray dhismaha burburay ee hotelka Safari oo ku yaalay isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.   Afar ka mid ah dadka laga soo saaray burburka ayaa nool, waxaana ka mid ah haweeney, iyagoo qabay dhaawacyo kala duwan mana awoodaan iney hadlaan.   Shaqaalaha gurmadka ayaa weli wada samata bixinta haddiiba ay...

REYSALWASAARE XASAN CALI KHEYRE OO BAAJIYAY SAFAR UU DALKA UGA DHOOFI LAHAA IYO WASIIRKA AMNIGA GUDOOMIYAHA DEGMADA HODAN OO XILKA LAGA QAADI RABO SAACADA SOO AADAN.

Raisul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre ayaa baajiyey safar uu maalinta beri ah ugu ambabixi lahaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.   Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in sababo la xiriira musiibadii Qaran ee dalka ka dhacday uu Ra’isul wasaaraha uu u baajiyay safarkiisa.   Ra’iisul wasaaraha ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay...

DEG DEG SIR CUSUB IYO DAAHIR CALOW: MID KA MID AH SAFIIRADA DOWLADAHA CARABTA U JOOGA MUQDISHO KU DHAAWACMAY WEERARKII SHALAY.

Dowlada wadanka Qadar ayaa shaacisay in qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho uu ku dhaawacmay arimo fuliyaheedii u qaabilsanaa Somalia.   Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibeda Qatar Axmed Saciid Al-Rumeyxi ayaa goor dhow shaaciyey in arrimo fuliyahooda Somalia uu dhaawac fudud ka soo gaaray burbur ka soo daatay dhismaha Safaarada oo ku taalla agagaarka Isgoyska Km4. Axmed Saciid Al-Rumeyxi ayaa intaa ku...

XOG MUHIIM AH: REYSALWASAARE KHEYRE OO AMNIGA KU FASHILMAY AYAA DALBANAYA IN UU ISCASILO GUDOOMIYAHA GOBOLKA IYO KULAN DEGDEG AHNA ISUGU YEERAY…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa war kasoo saaray qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. “Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatay qaraxii ka dhacay is-goyska Zobe, intii ku dhaawacantay Ilaahay hasiiyo caafimaad degdeg ah..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin ku soo diray. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in falkan foosha xun uu tusaale u yahay qorshaha caddowga...

DAAWO SAWIRADA: QARAXII SHALAY OO HAWADA KA SAARAY IDAACAD IYO TV KU YAALLA MUQDISHO.

Waxaa joogsaday howlihii shaqo ee Idaacadda iyo Tv-ga Goobjoog ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu saameyn ku yeeshay qaraxii xooganaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Zoobe.   Maamulka Idaacada ayaa sheegay in qalabka Idaacadda iyo Telefishinka qaarkood uu soo gaaaray burbur sababay in shaqada ay hakad gasho.   Xarunta Idaacada iyo TV-ga goobjoog ayaa ku taalla meel aan wax badan...

Xog Sir ah: Dowlada Ethopia oo hub siineysa sheikh Mukhtaar Roobow Ali Abuu mansuur iyo webka Waagacusub oo sir idinkaga haayo.

Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay ka qeybqaadaneyso hubeynta wadaadka sheegay inuu kasoo goostay Alshabaab Mukhtaar Roobow iyo xooaga daacada u ah.   Dowlada Ethiopia oo kaalin weyn ka qaadatay isa soo dhiibida Mukhtaar Roobow, ayaa iminka xooga saareysa sidii lagu hubeyn lahaa Roobow iyo Xoogagiisa, si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka Alshabaab ee ka dagaalama Gobolka Shabellaha Hoose. Dowlada...