MEYDADKA DADKII KU DHINTAY QARAXII ZOOBE OO LA KALA GARAN LA’YAHAY.

MEYDADKA DADKII KU DHINTAY QARAXII ZOOBE OO LA KALA GARAN LA’YAHAY.

169
0
SHARE

Barxadda Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa daadsan meydad aad u fara badan oo la kala garan la’yahay, kadib markii dadkaasi six un ay ugu gubteen qaraxii masiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Isbitaalka gudihiisa ayaa waxaa la dhigay Baco waaweyn oo meydadka la dhex dhigay, si dadka ehelada ah ee Isbitaalka imaanaayo ay u aqoonsadaan hadba qofka ka maqan.

 

Suxufiyiinta oo gaaray Isbitaalka Madiina, ayaa ku soo waramaya in la kala garan la’yahay meydadka, maadaama ay gubteen oo xittaa qofka ehelka ah ay ku adag tahay inuu garto meydka qofka uu raadinaayo.

In ka badan 20 ruux meydkooda ayaa bacaha ku jira Isbitaalka Madiina, boqolaal dad ahna Isbitaalka ayeey ku sugan yihiin kuwaasi oo raadinaya dad ka maqan nolol iyo geeri aysan ogeyn meesha ay ku dambeeyaan.

 

 

 

Waxyaabaha argagaxa leh ayaa waxaa ka mid ah in Hooyooyinka qaar Isbitaalka dhexdiisa ay isaga dhex oynayaan, iyaga oo ilinta ay ka daadanayso, waxayna sheegayaan in caruur ka maqan nolol iyo geeriba meel aysan ku ogeyn.

 

Hooyo ka mid ah dadkii Isbitaalka joogay ayaa hadaladii dareenka lahaa ee ay ku hadleysay waxaa ka mid ahaa “Qofkii Wiilkiisa oo meyd ah helaa ayaa nasiib leh, aniga nolol iyo geeri midna kuma haayo.”

 

Isbitaalada kale ee Magaalada Muqdisho waxaa hor buuxa Hooyooyin badan oo raadinaya dad ka maqan nolol iyo geeri, sidoo kale Isgoyska Zoobe saaka waxaa tagay Boqolaal ruux oo dad ka maqan raadinaayo, maadaama weli dhismooyinkii burburay meydad hore leh laga soo saaraayo.

 

Xaalad murugo ah ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, oo dad badan oo masaakiin ah lagu baabi’iyay qarax gaari wayn loo adeegsaday ee shalay galab lagu qarxiyay Isgoyska Zoobe.

LEAVE A REPLY