SIR LAHELAY: MAGACA NINKII KA DAMBEEYAY QARAXII SHALAY IYO QABIILKIISA.

SIR LAHELAY: MAGACA NINKII KA DAMBEEYAY QARAXII SHALAY IYO QABIILKIISA.

987
0
SHARE

Warar hoose oo uu helay webka waagaculus ayaa ku waramaya in ninka isku qarxiyay magaalada muqdisho  isgoyska Soobe ayaa heshay in lagu magacaai jiray Sidoow Ciise Ali kaasi oo ka soo jeeda beesha Niisaan ee Digil, waxaana ay isku cid yihiin Shiikh Mukhtaar Roobow Ali Abuu Mansuur oo dhawaan dowlada isku soo dhiibay.

Ninkan ayaa kooxda alshabab waxa uu u qaabilsanaa qaarijinta madaxda ee Gobolka shabeelada Hoose, halkaasi oo lagu sheegay in uu ku laayay 15 askari 9 nabadoon iyo dadkale oo aad u faraban, waxaana ugu dambeeyay dilkii uu u geystay nabadoon beesha ceyr ee afgooye.

Siidow ayaa soo noqday wakiilka maleeshiyada alshabab ee deegaanka Lafoole xiligii ay halkaasi shababku ka talin jireen.

Siidow ayaa ku dhashay magaalada beydhabo sanadkii 1983 waxaana uu waxbarashadiisa ku qaatay magaalada muqdisho waxaana uu ka baxay  dugsiyada sare ee magaalada muqdisho.

Siidow waxaa ladhashay 7 wiil iyo laba gabdhood, aabihiisa hada waxa uu ku nool yahaywanlaweyn tuulo hoos timaado oo looyaqaano daafeed halkaasi oo uu can ka yahay.

Siidow waxa uu ka mid ahaa dadkii uu siweyn ugu tiirsanaa afhayeenkii kooxda alshabab ee Roobow dhawaana isasa soo dhiibay.

Qore iyo Baare: Daahir Calasow

LEAVE A REPLY