XILDHIBAAN MAHAD MAXAMED SALAAD OO KU DHAAWACMAY QARAXII SHALAY KA DHACAY MUQDISHO.

XILDHIBAAN MAHAD MAXAMED SALAAD OO KU DHAAWACMAY QARAXII SHALAY KA DHACAY MUQDISHO.

108
0
SHARE

Saraakiil ku dhow Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa u xaqiijiyay Wakaalada Warqaad.com in waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa xiliga uu qaraxa ka dhacayay Isgoyska Soobe, wuxuu ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaala wadada Laami yaraha Soobe, waxaana la sheegay in xaaladiisa ay hada wanaagsan tahay.

Firir ayay inoo xaqiijiyeen Dhalinyarada ku dhow xildhibaanka inuu ka galay Gacanta, isla markiina loola cararay Isbitaalka.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa galaaftay Nolosha shacab badan oo aan waxba galabsan, iyadoo sidoo kale ay ku burburtay hanti aad u badan.

LEAVE A REPLY