Xog Sir ah: Dowlada Ethopia oo hub siineysa sheikh Mukhtaar Roobow Ali...

Xog Sir ah: Dowlada Ethopia oo hub siineysa sheikh Mukhtaar Roobow Ali Abuu mansuur iyo webka Waagacusub oo sir idinkaga haayo.

238
0
SHARE

Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay ka qeybqaadaneyso hubeynta wadaadka sheegay inuu kasoo goostay Alshabaab Mukhtaar Roobow iyo xooaga daacada u ah.

 

Dowlada Ethiopia oo kaalin weyn ka qaadatay isa soo dhiibida Mukhtaar Roobow, ayaa iminka xooga saareysa sidii lagu hubeyn lahaa Roobow iyo Xoogagiisa, si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka Alshabaab ee ka dagaalama Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowlada Ethiopia ayaa Roobow ka saacideysa dhinacyada Hubka iyo Gaadiidka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in loo marin doono maamulka Koonfur Galbeed.

 

Qorshaha fog ee Ethiopia ayaa ah in dagaalka ay kula jirto Alshabaab u adeegsato Rooboow iyo xoogagiisa, iyadoo laga saacidi doono dhinacyada dhaqaalaha.

 

 

 

Dagaalada ay Ethiopia ku qaadayaan Saldhigyada Alshabaab ayaa waxaa sidoo kale la qorsheynayaa inay ka caawiyaan xoogaga Roobow, waxaana jira heshiis dhigaaya wada shaqeyn oo labada dhinac ku dhexmaray magaalada Xudur.

 

Sidoo kale, dowlada Ethiopia iyo Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka dhex shaqeynaaya Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku riyaaqsan talaabada uu qaaday wadaadka.

 

Si kastaba ha ahaatee, Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa inuu saldhigan doono magaalada Baydhabo ama Xudur, halkaa oo uu kala dagaalami doono Alshabaab.

LEAVE A REPLY